Abwaan Aadan Tarabi Jaamac Oo Saaka Hargeysa Ku Geeriyooday
July 22, 2026 - Written by admin
Taariikh Nololeeda Alle Ha Unaxariiste Marxuum Aadan Tarabi Jaamac oo Kooban.
Abwaan Marxuum Aadan Tarabi oo ka mid ahaa hal-abuurka Soomaalida ugu caansan , waxa uu sanadkii 1948 ku dhashay magaalada Caynaba ee gobolka Sool , waxbarashada dugsi Qur’aanka waxa uu ka bilaabay magaalada Burco , halkaasoo oo uu sidoo kale ka bilaabay waxbarashada aas-aasiga ah.
Tarabbi Alle haw naxariistee wuxuu ka soo jeeday qoys suugaanta ku caan baxay; waxana hooyo u ahayd Saaqa Yuusuf oo ahayd maansayahanad ay tixaheedu hanaqaadeen, waxaana adeer u ahaa Maxamuud Jaamac oo loo yaqaannay Maxamuud Daalin oo ahaa gabayaa ay maansooyinkiisu ka tisqaadeen dhulka Soomaalida.
Abwaan Aadan suugaantiisu waxay ahayd mid uu si xeeldheer u soo hufo inta aanay ifka u soo bixin oo ku qotontay qaybaha nolosha ee kala duwan sida mededaalo, jacayl, nabad, wacyigelin-bulsheed iwm.
Sanadkii 1969 , ayuu sameeyay heesstiisii ugu horeysay ee Goor iyo Ayaan oo ay qaaday Shankaroon Axmed Yuusuf ( Sagal), heesaha kale ee uu curiyey waxa ka mid ahaa Bal dawooy oo ay wada qaadeen Cabdiraxmaan Xasan Rooraaye iyo Aamina Cabdilaahi Xirsi, Gacan saydh oo ay qaaday Gaasira Maxamed Cabdi , Yufloo oo ay qaaday Kinsi Xaaji Aadan Xuseen, Dar Allaad u hurudaa oo uu ku luuqeeyay Maxamed Mooge Liibaan iyo heeso badan oo kale