Xuutiga Yemen Oo Beegsaday Laba Markab oo Nooca Shiidaalka Qaada Oo Sucuudigu Leeyahay
July 23, 2026 - Written by admin
2 Markab oo ay leedahay dowladda Sacuudi Careebiya laguna kala magacaabo Layla iyo Espelia ayay kooxda Xuutiga ku beegsadeen meel ku dhow magaalada Al-Shaqiq ee biyaha dalka Boqortooyada Sacuudiga, taas oo ka dhigan talaabo weyn oo cabsi hor leh abuuraysa, Xuutiguna go`aankoodii go’odoominta kaga dhabeeyeen.
Weerarada oo loo adeegsaday Gantaalo & Diyaarado aan duuliya laheyn ayaan kaba dhicin Bab al-Mandab ama biyaha caalamiga ah, waxayna Xuutigu muujiyeen awood dheeraad ah oo ah in ay dekedaha Sacuudiga ee ah halbowlaha ugu weyn taaban karaan.
Dowladda Sacuudiga ayaa talaabada cambaareysay, ku dhawaaqday aargoosi, iyadoo dalalka Carabta ka codsatay in ay sidaas sameeyaan, waxayna kusifeysay mid halis ku ah Amniga dalalka Islaamka.
Xuutiga ayaa sheegay in dekedaha Yemen & garoomadu aysan u xirnaan karin Boqortooyada, kuwa Sacuudiguna aysan furnaan doonin oo aysan taas aqbaleyn, kana dagaalamayaan.