Alle Ha Unaxariisto Marxuum Fanaan Axmed Cali Cigaal Oo Dalka Mareykanka Ku Geeriyooday
July 31, 2026 - Written by admin
Alle haw raxmado Fanaankii weynaa ee Soomaaliyeed Axmed Cali Cigaal, Axmed wuxuu ku dhashay magaalada Wardheer ee gobolka Doollo, DDS sanadkii 1948, waxaa waxbarasho loo geeyay magaalada Muqdisho sanadkii 1960 .
Isaga oo aad yar ayuu fanka ku biiray waxaana uu qaaday heestiisii ugu horreysay oo uu sameeyay walaalkii Cabdiqaadir Cali Cigaal sanadkii 1964 , heestaasi waxa la oran jiray Bari iyo Galbeed, Axmed waxa uu noqday laxamiste, waxaana uu naaxiyada u sameeyay boqolaal heesood .
Heesaha uu qaaday waxaa ka mid ahaa das Hargeysa soo maray uu sameeyay Maxamed Cali Kaariye , Batallaale oo uu curiyey Cabdi Cali Weyd , Waa laysku soo noqon oo uu sameeyay Axmed Saleebaan Bidde, Caynkii Araweello oo uu lahaa Maxamuud Cabdilaahi Sangub, Maxaa sheekadeenii uu sameeyay Xasan Qawdhan Yuusuf.
Axmed waxa uu guursaday oo carruur u dhalay laba ka mid ahaa Dumarkii ugu caansanaa fanka Soomaalida Maryan Mursal Ciise iyo Khadra Daahir Cige, Alle ha unaxariisto Maanta ayuu kugeeriyooday magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee Carriga Maraylanka