ICE oo Dadka Fiisahoodu Dhacay ku Qabqabanaya Garoomada Diyaaradaha Gudaha Mareykanka
August 2, 2026 - Written by admin
ICE oo Dadka Fiisahoodu Dhacay ku Qabqabanaya Garoomada Diyaaradaha Gudaha Mareykanka.

Screenshot
Maamulka Trump ayaa ballaariyay wada-shaqeynta u dhexeysa Hay’adda Ammaanka Garoomada Diyaaradaha (TSA) iyo Hay’adda Socdaalka iyo Kastamka (ICE), taasoo keentay in saraakiisha ICE ay si firfircoon u qabtaan dadka fiisahoodu dhacay marka ay ku safrayaan duulimaadyada gudaha Mareykanka.
Qorshahan cusub ayaa garoomada diyaaradaha, meelaha lagu hubiyo rakaabka (checkpoints), miisaska isdiiwaangelinta (check-in), iyo albaabbada laga raaco diyaaradaha (departure gates) u beddelay goobo ay ICE ka fuliso howlaha qabqabashada dadka jebiyay shuruudaha socdaalka.
Dadka fiisahoodu dhacay ama xaaladdooda socdaal aysan sharci ahayn ayaa halis ugu jira in la xiro marka ay ku safrayaan gudaha dalka.