Xasan Sheekh Oo Qiray Inaanu Marnaba Aqoonsanayn Maamulka Macmalka Ah Ee Laascaanood
August 15, 2026 - Written by admin
Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa isaga oo ka hadlayey magaalada Dhuusamareeb sheegay in Hirshabeelle ay ahayd maamul goboleedkii ugu dambeeyey ee laga dhiso Soomaaliya.
“Dalkan taladiisa siyaasaddeed markii aanu nimi, dawlad goboleed ma jirin; dastuurka uun bay ku qornaayeen. Galmudug ma jirin, Hirshabeelle ma jirin, Koonfur Galbeed ma jirin, Jubbalandna ma jirin. Gaalkacayo laga soo bilaabo ilaa meesha ugu dambaysa ee Jubbaland, waxa la isku odhan jiray gobolada Badhtamaha iyo Koonfurta; magac kale oo gaar ahna ma lahayn. Jubbaland ayaa timid, Koonfur Galbeed ayaa ku xigsatay, Galmudug ayaa ku xigsatay, Hirshabeellena ugu dambayn ayaa la sameeyey,” ayuu yidhi Xasan Sheekh Maxamuud.
Hadalka Madaxweynaha ayaa imanaya xilli dad badani ku doodayaan in dawladda Muqdisho aanay daacad ka ahayn maamulka laga dhisay Laascaanood, balse Xasan Sheekh Maxamuud uu magaalada Laascaanood iyo hoggaamiyaha maamulkaas, Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye, u adeegsanayo kaadh siyaasaddeed.
Dooddan ayaa sii xoogaysan karta, maadaama hadalkiisa laga fahmi karo in aanu maamulka Laascaanood u aqoonsanayn maamul goboleed cusub oo ka dambeeyey Hirshabeelle