berberatoday.com
Isuduwihii Wasaarada Xanaanada Xoolaha Gobolka Saaxil Oo Xilkii Laga Qaaday Iyo Mid Cusub Oo La Magacaabay+Sababta Bedelkiisa
August 28, 2016 - Written by Berbera Today

Cali qudhaanjoBerbera(Berberatoday,com)-Wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland ayaa xilkii ka qaaday Isuduwihii wasaarada Xanaanada Xoolaha Gobolka Saaxil Dr Cali Maxamuud Guuleed(Cali Qudhaanjo)oo xilkaas mudo soo hayay Waxaana Isuduwaha Cusub ee Xaananada Xoolaha loo magacaabay Dr Ahmed Xaaji Cabdilaahi. Dr Nooje oo kamida ahaa dhakhaatiirta Caafimaadka Xoolaha ee ka shaqeeya mid kamida Maxjarada Xoolaha lagu caafimaadiyo ee Berbera,

Xil kaqaadista Isuduwe Cali Qudhaanjo ayaa waxa la sheegay inuu utafaxaytay mudooyinkii udanbeeyayna uu ku foognaa Wasiir kuxigeenka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Cali Maxamed Cilmi(Cali Gadheer)oo waayadan danbe khilaaf dhinaca danaha gaarka ahi dhex maray Isuduwaha xilka laga qaaday khilaafkaas oo salka kuhayay dhaqaale uu Wasiir Cali Gadheer ka dalbaday isuduwaha xilka laga qaaday taas oo uu ka dhega adaygay si cad ugu sheegay in aanu meesha ku haynin lacag laaluusha ah oo uu siiyo waa sidaya ay sheegayaan warar xogogaal ah oo aanu ka helay bedelka isuduwaha xilka laga qaaday sababta xilka looga xayuubiyay.

Isuduwaha xilka laga qaaday ayaa kasoo jeeda Beelaha danwadaago ee deegaanka Gobolka Saaxil sidoo kale kaligii ayaa xil ka hayay Xukumada Madaxweyne Siilanyo jufadiisa ama beelaha danwadaago ee uu kasoo jeedo sidoo kale warar kale oo aanu ka helay Bedelka isuduwaha xilka laga qaaday ayaa sheegaya in xil ka qaadistiisa uu u adeegsaday Wasiir Kuxigeenka wasaarada xanaanada Xooluhu inuu Isuduwuhu kuxidhnaa Maareyihii hore ee Dekeda Berbera Eng. Cali Xoorxor sidoo kalena uu kasoo horjeeday Mashruuca dhaxal wareejinta Dekeda Berbera ee shirkada DP World laga kireeyay.

Warar kale oo aan la xaqiijin oo laga soo sheegayo wasaarada xanaanada Xoolaha ayaa sheegaya in Wasiirka Wasaaradaasi Xanaanada xoolaha Cabdillahi Cukuse uu sheegay in lagu khasbay xil ka qaadista Masuulka iyada oo markii uu ka dhega adaygay loo adeegsaday amarka Marwada Madaxweynaha oo uu Cali Gadheer kusoo jeheeyay sidaasna uu bedelkaasi ku fulay.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews