Shiinaha oo Helay Wado Cusub Oo Maraakiibtiisa Ganacsigu Maraan Kana Maarmay Isticmaalka Biyaha Badaha
August 16, 2026 - Written by admin
Shiinaha ayaa helay wado cusub oo maraakiibtiisa ganacsiga maraan kana maarmay isticmaalka biyaha badaha
1) Badwaynta hindiya,
2) Bada Cas,
3) Gacanka cad meed,
4) Baabul mandab…
Oo mudooyinkii dambe noqday biyo ay Hadheeyeen xasarado iyo dhibaato oo dowladaha isku burbursadaan jid gooyana dhigtaan, Khaasatan intuu bilowday duulaanka Israi!l iyo Mareekanka ku qaadeen dalka Iran.
Sidoo kale China ayaa ka fogaatay halista budhcad badeeda Somaliya ee bad waynta hindiya ka Qadhaabata.
Shiinaha ayaa tijaabiyay isticmaalka biyaha barafka ee dhanka waqooyi ee bad waynta Artic.
Markab tijaabo ah oo ka shiraacday Shiinaha ayaa gaaray qaarada Yurub, waxayna ku qaadatay 18 maalmood kaliya oo ah war farxad leh sababtoo ah safarkan ayaa ka gaaban midkii hore ee isticmaalka badaha bariga dhexe ee badda cas iyo kanaalka Suez oo qaadan jirtay 40 maalmood.
Arintan uma ahan war wanagsan dalalka Mareykanka iyo kuwa gobolka bariga dhexe kuwaas oo doonaya inay saameyn ku yeeshaan biyahan bada cas.
Dowladaha Turkeyga iyo Mareekanka ayaa saldhigyo ka sameesanaya biyaha ku teedsan biyaha badda cas. Sidoo kale israi!l ayaa kasoo agdhawaatay halka dalalka qaar ay iskaashiyo samaynayaan oo ku aadan amaanka badda cas sida dalalka Pakistan, Turkey iyo sacuudiga.
Ethiopia ayaa soo hunguriyaynaysa. Isku soo koob biyaha badda cas ayaa mustaqbalka tilmaamaysa aag taag taag oo ka daran sida xaalka imika uu yahay ee Marinka hormuz ee laysku hor fadhiyo.
Waxay u muuqataa in shiinaha uu durbaba ka tashtay biyahan…
Hase ahaate waxaa durbaba walaac ka muujiyay isticmaalka Shiinaha wadadan cusub ee biyaha Artic ga ururada u ololeeya deegaanka iyagoo sheegay in arintan soo dedejin karto in biyaha barafka dhankaa uu durbaba dhalaalo taasoo isbadal ku keeni karta deegaanka.