Berbera Meydka Wiil Dhalinyaro Ah oo 11 Maalmood Talaagad Ku Jira Iyo Sababta Loo Aasi Waayay
August 23, 2026 - Written by admin
Waxa Magaalada Berbera Ku geeriyooday 13 bishan August ee 2026
Marxuum Ciise Cabdi Muuse Cajab oo ah muwaadin reer Berbera ah kaasoo ilaa hadda maydkiisu ku jiro talaagada maydka ee Dhakhtarka Berbera.
Marxuunkan ayaa waxa geeridiisa sababy laydh ku dhegay, ilaa hadana xal lagama gaadhin kiisa marxuunkan.
Waa markii Kowaad ee magalada Berbera uu mayd 11 maalmood ku jiro talaagada Cisbitaalka.
Maamulka gobolka iyo ka degmada iyo shirkada laydhka ayaa dhamaantood ku guuldaraystay inay xaliyaan arintan