Jabhadaha Isbahaystay Ee Itoobiya Abyi Ahmed Maka Tuuri Karaan Xukunka?
September 21, 2026 - Written by admin
Toddobo kooxood oo hubaysan oo Itoobiyaan ah, oo ay ku jiraan xoogag ka kala socda Tigray, Amxaarada Fano iyo Oromada ayaa ku dhawaaqay inay samaysteen isbahaysi cusub oo ay ku mideysan yihiin in ay beddelaan ra’iisal wasaare Abiy Axmed.
Isbahaysiga oo lagu magacaabo: “Ethiopian Peoples’ Forces Coalition for Survival” ayaa sheegay inuu doonayo isbeddel siyaasaddeed iyo dhismaha dawlad ku-meel-gaadh ah.