“Bisaylka Dawladnimadu gaadhay Nin & Xaaskiisa ayaa ku wada jira Golaha Wasiirada Ethiopia”
October 9, 2026 - Written by admin
“Bisaylka Dawladnimadu gaadhay Nin & Xaaskiisa ayaa ku wada jira Golaha Wasiirada Ethiopia”
___________________________
TIRADA IYO TAYADA WASIIRADA:
SOMALILAND, SOOMAALIYA, IYO ETHIOPIA
1.SOMALILAND: golaha wasiiradu waa 48 xubnood, tirada dadweynuhuna waa ku dhawaad 7,000,000 qof oo la mid ah in halkii WASIIR u adeegayo 140,000 qof.
2.SOOMAALIYA: Golaha wasiiradu waa 75 xubnood, tirada dadweynuhuna waa hilaada 21,000,000 qof oo la mid ah in halkii WASIIR u adeegayo 280,000 qof.
3.ETHIOPIA: Golaha wasiiradu waa 22 xubnood, dadweynuhuna qiyaastii waa 130,000,000 qof oo la mid ah in halkii WASIIR u adeegayo 6,000,000 qof.
Shahaadada PH.D ayay haystaan 6 ka mid ah 22 wasiir ee ETHIOPIA, inta kalena waa MASTER DEGREE.
Haweenka wasiirada loo magacaabay waa 9 oo la mid ah 3-dii wasiirba mid baa haweenay ah.
Nin iyo XAASKIISA ayaa ku jira Golaha Wasiirada. Haddana ma jirto cid odhanaysa REER CIGE GUREY baa loo badiyay.
Waayo, dadka waxaa muhiim u ah dantooda oo ADEEGA loo fidiyo ah. Laakiin muhiim uma aha abtirsiinta wasiirada iyo MADAXWEYNUHU.
Xigasho Ex Wasiir Axmed (Toorno )