berberatoday.com
Madaxwayne Erdogan oo Dalal Somaliland Ugu Horayso U Diray Deeqo Caalamiya
August 29, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha dalka Turkiga Mr. Recep Tayyip Erdogan ayaa deeq la xidhiidha munaasibadda Ciidul-Adxa u soo diray wadammo caalamka ka tirsan oo Somaliland kaw ka tahay

160315025300_erdogan_512x288_getty_nocredit

unnamed-34Deeqdan Madaxweyne Erdogan u soo diray dunnida Muslimka oo la xidhiidha munaasibada Ciidul-Adxa ayaa wadammada loo qorsheeyey in la gaadhsiiyo ka mid yihiin Somaliland, Syria, Jarablus, Aleppo, Macedonia, Palestine iyo Gaza.

Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa shaaca la qaaday in todobada neef oo Ciidul-Adxa ku waajibay mid ka mid ah lagu qalo wadanka Somaliland, sidoo kale Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga ayaa la sheegay inay 200 neef Lo’ ah ku qali doonaan munaasibada ciidul-Adxa awgeed oo ku beegan 10 September ee bisha dambe Somaliland.

Deeqdan Madaxweyne Erdogan ugu deeqay dunnida muslimka wadammo Somaliland qeyb ka tahay ayaa marka laga yimaado waajibka diiniyan ay leedahay, waxay dhinaca kale, muujinaysaa mowqifka wadanka Turkiga iyo Madaxweyne Mr. Recep Tayyip Erdogan ka taagan yihiin Somaliland iyo shacabkeeda, isla markaana muujinaysaa sida dhow ee ay u xiisaynayaan xoojinta iskaashiga u dhexeeya.

Talaabadan Madaxweyne Erdogan u qaaday Somaliland ayaa la saadaalinayaa inay wax badan ka bedesho fikirka shacabka Somaliland ka qabeen dalka Turkiga oo hore dhaawac soo gaadhay ka dib markii Safiirka Turkiga ee Soomaaliya muddo hore ku tiraabay hadalo dhaawacay kalsoonidoodii Turkiga.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews