Agaasimihii Guud Ee Wasaarada Shaqada Iyo Arimaha Bulshada Marxuum Maxamed Faarax Xirsi Oo Hargeysa Ku Geeriyooday
August 29, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Inaalilaah Wa Inaa Ilayhi Raajucuun.Alle ha unaxariiste waxa maanta duhurkii ku geeriyooday Hargeysa Agaasimihii Guud ee Wasaarada shaqada iyo arimaha Bulshada Marxuum Maxamed Faarax Xirsi,
Marxuumka ayaa la sheegay inuu ugeeriyooday xanuun kusoo booday oo isla maanta duhurkii halaalay, waxaana La sheegay in Marxuumka wadmuhu istagaay isaga oo shaqada kasoo rawaxay wax xanuuna oo uu qabayna aanay jirin balse geeridiisu ahayd mid deg deg ah oo kusoo booday.