Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee Secja Oo Si Kulul U Cambaareeyey Xadhiga Siciid Maxamuud Gahayr, Kana Digay Wan-Jalaad Ay Usoo Maleegen Agaasimaha Duulista Iyo Maamulaha Maadarka Hargeysi
August 29, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-“Waxa jirtaa arrin ku cusub Somaliland, iyadoo Agaasimaha iyo Maamulaha Maadarla Hargeysi wan jalaad u geysteen Abwaan, kaddib markii ay Maxkamadda sida la sheegay la hortageen qoraal ku qoraan luuqada afka Ingiriisga ah, kaasoo aanu qorin Abwaanku. Maxkamadaha Somaliland mudooyinkii u danbeeyey ahaa kuwo cadaaladda ku shaqeeya waxaan ka rajeynaynaa inay Muwaadinkaa lagu amarku taagleeyey sida ugu dhakhsaha badan ugusoo celiso xoriyadoodii”
Hargeysa(Xogreebnews.com-Warsaxaafadeed: Dete 29/8/2016 Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Secja waxa uu Cod dheer ku Cambaareynayaa Xadhiga xaqdarada ah ee aan sharciga waafaqsanayn ee Xukuumadda Somaliland kula kacday Muwaadin qoraa, Suxufi iyo Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr.