berberatoday.com
Sadex Kamida Sulaadiinta Kasoo Jeeda Beesha Madaxweyne Siilanyo Oo Ku Sugan Saaxdheer Iyo Ujeedada Socdaalkooda
August 29, 2016 - Written by Berbera Today

Saaxdheer(Berberatoday.com)-Wararka aanu ka helayno Degaanka Saaxdheer ee Gobolka Sool oo saldhig u ah Hogaamiyaha Kooxda Khaatumo Cali Khaliif galaydh ayaa sheegaya in ay hada ku suganyihiin Sadex Suldaan oo kazoo  jeeda Beelaha Bariga Burco kuwaas kala ah Suldaan Maxamud Xaaji Xuseen,Suldaan Maxamuud Guuleed Mire iyo Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale,Warar la xidhiidha Ujeedooyinka salaadiintani u tagtay Degaanka Saaxdheer ayaa la sheegayaa inay isugu jiraan dhawr ujeedo kuwaasi oo ah sidii ay ula kulmi Lahaayeen Garaadka Guud ee Beelaha dhulbahante Garaad Jaamac Garaad Cali isla markaana ugu qancin lahaayeen sidii uu Cali khaliif usoo dhawayn lahaa Maadaama Cali khaliif  Galaydh dib uga maagay Wadahadalii isaga iyo Somaliland ka dhexeeyay,sababta oo ah  Garaad Jaamac inuu yahay cida ugu dhaw ee daba fadhida Cali khaliif,sidoo kale wararka ayaa intaas ku daraya in sababta labaad ee ay salaadiintani ya degaankaas u tageen ay tahay isu soo dhawaynta Beelaha Dhulbahante iyo Beesha ay kasoo jeedaan Salaadiintani ee Bariga Burco si taageero looga helo xiliyada Doorashada soo socota  beelaha degaanka Sool,

ilaha warkan laga helayo ayaa sheegaya in salaadiintan ay Xukumada Madaxweyne Siilanyo dirtay si ay heshiis waara uga dhex dhalin lahaayeen Beelaha Dhulbahante iyo Beeesha Bariga Burco ee dagaalka Isku horfadhiya deegaamada Qoorilugud iyo kuwa kale ee ku teedsan inta aanay dhamaan mudo xileedka Xukumada uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Siilanyo.

Ilaa hada war rasmiya lagama soosaarin socdaalka Suldaaiintan la sheegay inay Xukumadu diratay

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews