Maareye Kuxigeenkii Cusub Ee Dekeda Berbera Oo Shaqadisii Uhoreysi Kubixiyay Wiishashkii Dekeda Berbera Inay Dhisaan Fooqyada Shirkadaha Ganacsiga Xili Uu Maareyihii Dekedu Safar Debedeed Ku Maqanyahay
August 31, 2016 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Maareye Kuxigeenka Cusub ee Dekeda Berbera dhawaan loosoo magacaabay cabdi Cabdillahi Xasan Mataan oo mudo 1o maalmooda shaqada Dekeda joogay ayaa durbatab bilaabay dhaqan aan hore uga jiri jirin Dekeda berbera isaga oo masuulkani wiishkii Dekeda ee shaqada Dekeda loogu talagalay siiyay shirkada ganacsiga dahabshiil si uu uga qeyb qaato dhismaha fooq weyn oo shirkadaas uga socda badhtamaha magaalada Berbera, waxaana saak markaliya la arkay wiishkii Dekeda berbera oo ku foogan dhismaha fooqaas oo dushiisa sare laga wado shubkii iyo agabkii kale ee lagu dhisaayay,