War Deg Deg Ah Kulankii Wasiirada Xukumada Iyo Shirkada DP World Ku Lahaayeen Dubai Oo Lagu Kala Kacay
August 31, 2016 - Written by Berbera Today
Dubai(Berberatoday.com)-War deg Deg ah oo hada naga soo gaadhay Dalka Isutaga imiraatka Carab gaar ahaan Magaalada dubai ayaa sheegaya in kulankii loo balansanaa in lagu xaqiijiyo wareejinta Dekeda Berbera ee shirkada DP World ee ka dhacaayay xarun ganacsiyeeda magaalada Dubai lagu kala kacay kadib markii shirkada DP World sheegtay in aanay ku kalsoonayn heshiiska ay Xukumada wada galeen ee qabyada ah iyaga oo ku sababeeyay dhawr arimood oo ay ugu weyntahay sidii loo xaqiijin lahaa cida amaanka shirakada iyo hawlwadeenadeeda sugaysa maadama oo aanay heshiiskan ogolaanin dadkii shacabka ahaa ee ilahay ku beeray deegaanka Gobolka Saaxil gaar ahaan magaalad berbera ee ay Dekeda la kireynayaa ku taalo,