Daawo Muuqalka”Beesha Muuse Abokor Ee Habar-jeclo Oo Ku Eeddaysay Wasiirka Madaxtooyada Maxamud Xaashi Cabdi Inuu Ka Dambeeyo Dagaalka Labada Beelood Ku Dhex-maray Gobolka Sanaag
September 2, 2016 - Written by Berbera Today
Ceerigaabo(Berberatoday.com)-Qaar ka mid ah dhalinyarada iyo waxgaradka beesha Biciide ee Muuse Abokor ee Gobolka Sanaag, ayaa ku eeddeeyay Wasiirka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi inuu ka dambeeyay dagaalka labada beelood ee walaalaha ee dagaalka sababay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee ku dhex-maray deegaanka Darar-weyne ee Sanaag, isla markaana Guddoomiyaha Garabka dhalinyarada Muuse Abokor oo warbaahinta kula hadlay magaalada Ceerigaabo ayaa sharaxaad ka bixiyey sababta keentay dagaalkaas, isagoo baaqna u diray Madaxweyne Axmed Siilaanyo.