berberatoday.com
Xog Rasmiya”Waftigii Xaraashka Dekeda Berbera Dubai Ujoogay Oo Kala Shakiyay, Shirkadii DP World Oo Dib Ugurtay Iyo Madaxtooyada Oo Walaac Iyo Walabahaar Laga Soo Sheegayo+Waftigii Oo Beri Dalka Kusoo Laabanaya
September 3, 2016 - Written by Berbera Today

waft kaleDubai(Berberatoday.com)-Wararkii ugu danbeeyey ee laga helaayo Waftigii Somaliland u metelaayey meelmarinta heshiiska Shirkadda Dp World kula wareegi lahayd Dekedda Berbera ee ku sugnaa Dalka Imaaraadka Carabta gaar ahaana Magaaladda Dubai, isla Markaana uu hoggaaminaayey Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Saylici oo wata raxaan wasiiro ah, Mareeyaha Dekedda iyo weliba Maayirka Magaaladda Berbera, ayaa la sheegay inuu Khilaaf ba’ani soo kala dhexgalay xubnaha Waftiga ee ku sugan halkaa.

Kaddib Markii kulan ay la sheegeen Saraakisha ugu saraysaa Shirkadda DP World ku wargelisay Waftiga inaanay mawqif midaysan ku wada socon ee ay kala socdaan, isla markaana kala wataan dano gaar ah oo iska soo hor-jeeda, waxanay Shirkaddu in badan ku celcelisay in Wasiiradda meesha marayaa kala wada fikir duwan yihiin, sidaasi daraadeedna aanay la geli Karin wax heshiis ah dad-wada socda hadana kala socdaa oo Qaran wax u metelaaya.

Kulan Maanta gelinkii danbe Xubnaha Waftiga Somaliland la qaateen Saraakisha ugu saraysa Shirkada DP World ayaa lagu kala kacay  siday noo xaqiijiyay dad goob joog ah, kaddib markii shirkada DPWorld ay heshiiska dhamaystirkiisa ku xidhay in la sugo dhamaystirka heshiiskani tan iyo inta ay doorashadu dalka ka qabsoomayso, xaga ay aad uga qayliyeen waftiga ka socday xukumadda Siilaanyo gaadheena hadii aad saxeexi waydaan waxa aanu heshiis kale la gali doonaa shirkado kale, waxana loo xaqiijiyay in aan shirkadna ahayda danaynin heshiiskaasi dekada Berbera tan iyo inta ay ka qabsoomayso doorashada madaxweynaha ee Somaliland.

Markii hore qorshaha waftiga Xukuumadda Somaliland u metelaayey ay wateen uu ahaa inay halkaa ku soo kala saxeexdan heshiiska Rasmiga ah ee laala galaayo Shirkadan damacsanayd inay maamusho Dekedda Berbera ayaa lagu kala kacay, markii Shirkaddi soo bandhigtay caqabado aan saamaxay in heshiis la galo iyo sidoo kale, watfiga Wasiiradda u badnaa ee meeshaa maraayey oo ay ku sheegeen inaanay mawqif midaysan ka lahayn qaabka uu heshiisku u dhacaayo, iyagoo ku wargeliyey inay ajande midaysan ula yimaadan.

Haddaba, Waftiga Xukuumadda Somaliland metelaayey in laga gun-gaadho heshiiska ayaa markii Shirkadda DP World ay kala kulmeen waji-gabax, waxa ka dhexdhashay Khilaaf laba u kala qaybiyey. Sida ay sheegayaan Warar lagu kalsoon yahay oo Shabakadda Xogreebnews ka heshay, Diblumaasiyiin Somaliland u dhashay oo ku sugan Dubai, Waxanay xubnaha Waftiga ahi iyagu dhexdooda kan kale u jeediyeen inuu heshiisku ka socon la’yahay dano shaqsiyadeed. Tusaale ahaan, Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Wasiiradda Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aaadan waxay si toos ah farta ugu godeen inaanu daacad waftiga kula socon, isla markaana uu lugta hayo heshiiska Xukuumadda la geli lahayd Shirkaddan Wasiirka arrimaha Dibada Md. Sacad Cali Shire, kaasoo ay ka shakiyeen inuu si hoose Shirkadda Warbixino ugu Gudbiyey, isla mar ahaanta uu kala kicinaayo in heshiis rasmi ah la galo.

Sidoo kale, Wasiirada Madaxtooyada iyo Maaliyaddu, waxay isna canaan dheggaha goosteen oo ay isna qorshaha kala kicinta hesiiska Wasiir Sacad Cali Shire ku labeeyo Wasiirka Qorsheynta qaranka Md. Cali Shoombe, kaasoo sida la sheegay isagga lagu qoonsaday Fikrado kasoo horjeeda in shaqsiyaad gaar ah la siiyo Saami oo Dekedda Qaranka cidi shuraako ku noqoto.

Geesta kale, Wasiirka arrimaha Dibada Dr. Sacad Cali Shire iyo sidoo kale Wasiirka qorsheynta Md. Cali Shoombe waxay wasiiradda Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi, wasiirradda Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo weliba Wiilka Madaxweynuhu sodogga u yahay ahna Safiirka Imaaraadka Somaliland u fadhiya Md. Baashe Cawil ku eedeeyeen shaqsiyaad dano gaar ah ka leh heshiiska oo doonaaya inay Saamiyo ku yeeshaan Shirkadda Dekeda Maamulaysaa, isla markaana aanay u danaynay Qaranka Somaliland, halka ay iyagguna sheegeen inay doonayaan docda heshiiska la gelayaa inay noqoto qaranka maxay dani ugu jirtaa?.

Sidoo kale, xoggaha aanu ka helaynaa may caddaynin xubnaha safarka ku wehelinaaya Waftiga oo Madaxweyne ku-xgeenku kowka yahay, Maareeyaha Dekeda iyo Duqa Magaaladda Berbera doorka ay ku leeyihiin khilaafkan soo kala dhexgalay waftiga iyo garabka ay la safan yihiin iyo weliba sababta ay u dhexdhexaadin waayen midna.

Si kastaba ha ahaatee, Waftiga ayaa la filayaa inay Afarta Bishan dalka dib ugu soo laabtaan, maalinta Aaxadda ah, iyagoon wax guul ah kasoo gaadhin heshiiskii mudada dheer ay soo dhiraan-dhirinaayeen ee Shirkadda DP World inay Dekedda Qaranka ee Berbera la wareegto ahaa.

wefti t

 

Xigasho Xogreebnews.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews