Wasiir Samsam Cabdi Aadan Oo Ku Hungawday Inay Gacanteeda Soo Galaan Shan Iyo Tobankii Milyan Ee Xaqul Qalinka Ahaa
September 3, 2016 - Written by Berbera Today
Dubai(Berberatoday.com)-Wasiirada Maaliyada Somaliland Samsam Cabdi Aadan oo maalmihii udanbeeyay ku sugnayd dalka Isutaga imiraatka carab islamarkaan kamid ahayd waftiga xukumada Somaliland umatalaayay dhamaystirka Heshiiskii Kireynta Dekeda Berbera ee lagu kala kacay ayaa waxa la sheegay in maalmihii udanbaayay oo dhan ay udiyaar garabaysay in gacanta laga saaro jeegii 15ka milyan ee dollar ahaa ee xaquqal qalinka lagu sheegay oo loo balansanaa in la bixiyo marka heshiiska kama danbaysta ah la ansixiyo, arin kaas oo kurbo kulul ku hayay wasiirada Maaliyada ayaa gabi ahaanba meesha ka baxay waxaanay wararka aanu ka helayno magaalada Dubai ee dalka Isutaga imiraatka carabtu sheegayan in wasiir Samsam cabdi Aadan niyad jab weyn ka qaaday heshiiskaas aan dhamaystirmin ee lagu kala kacay waxaana la sheegayaa in maalintii doraad markii heshiiskii laysku horfadhiyay lagu kala kacay ayaa waftiga ka guurtay iyada oo cadho ka qaaday qorsheheeda ay sii diyaarsatay ee kala kacay sidoo kale waxa ay canaan kula kacday wasiiradii la socday gaar ahaan wasiirka Arimaha Debeda Sacad Cali Shire oo ay ku eedeysay inuu qorshe kale hoosta uga gudbiyay shirkada taasina ay keentay in heshiiskii buro oo shirkadii DP Worldna ay ku gacan saydho heshiiskaas iyada oo arimo dhawr oo aynu hore usheegnay ku sababaynaysa.