berberatoday.com
“Anigu Waxan leeyahay Ina Cali Waraabe Hadii arinta Heshiiska DP World uu si toos ah iyo si dadban mid uun ugu lug leeyahay arlo dhimatay..ogaada wax uu ku dhex jiro Ina Cali Waraabe oo khayrba laga malaysan karaa ma jiro eh” Cali guray
September 5, 2016 - Written by Berbera Today

“Faysal markii hore la inooma sheegin inu ka mid ahaa waftiga. Hore wuxu inoogu sheegay inu isagu u dhexeeyay Madaxwaynaha Somalia iyo xukuumadeena oo weliba isagu ahaa ninka Xasan Sheekh ka iibiyay mashruucan ee ogolaysiiyay laakiin aan xaqul qalimkii waxba looga qadhiidhin”.gudoomiye cali guray

Hargeysa(Xogreebnews)-Gudoomiye ku xigeenka Saddexaad ee xisbiga Ucid Cali guray aya ka hadlay kamid ahaansha Faysal cali waraabe ee waftiga Xukuumadda ee hawlaha heshiiska dekedda Berbera u jooga dubai, kaasoo sida la sheegay uu damacsan yahay inuu lacagta xaqul qalinka wax looga dhiibay, cali guray ayaa dareen shaki geliyey arrinka heshiiska oo uu ku sheegay inay sio ifbaxayaan digniinow hore oo kaga digay inaan mashruuca maalgelinta berbera laga dhigin qaatay ee qaado, gudoomiye cali guray waxa uu sidaas kaga hadlau bogiisa facebooka waxanu ku yidhi sidan
 
“HAA HADAAN HOOYAA!
Faysal markii hore la inooma sheegin inu ka mid ahaa waftiga. Hore wuxu inoogu sheegay inu isagu u dhexeeyay Madaxwaynaha Somalia iyo xukuumadeena oo weliba isagu ahaa ninka Xasan Sheekh ka iibiyay mashruucan ee ogolaysiiyay laakiin aan xaqul qalimkii waxba looga qadhiidhin. Hadaba anigu waxan leeyahay Ina Cali Waraabe hadii arinta Heshiiska DP World uu si toos ah iyo si dadban mid uun ugu lug leeyahay arlo dhimatay, aniga markii hore wax sheekada iigu jirayna may ahayn. Racfaankii uu ka qaatay Go’aankii Gudida Diiwaangelinta oo la sugayo ayuu iska dhoofay maantana waftiga Xukuumadda ayuu qayb ka yahay sida aynu aragno. Miyaan shaki laga qabi karin in ay wax jiraan oo Maxkamadda Sare, Xukuumadda, iyo Faysal ay wax u hooseeyaa jiri karaan xataa hadii aan xukuumad ahaan loo dhamayn? Nin xisbigiisii burburiyay oo dacwadiisi ay Maxkamadda Sare la taal anigu maan garan ahmiyadda gaarka ah ee waftiga Xukuumadda uu u leeyahay iyo mudnaanta aanu geyin qarankana ka mutaysanin ee sida gaarka ah loo siinayo. Xisbigii oo dhan ayaanu faraha uga qaadnay oo aanu u daynay in isagu uu keligii iska walaaqdo ilaa inta isaga iyo sharcigu soo kala adkaanayaan markaa tan miyaan loo qaadan karin fariin toos ah oo xukuumaddu ay u dirayso Xisbiga UCID ee uu dembiga ka galay Ina Cali Waraabe. Tan kale ogaada wax uu ku dhex jiro Ina Cali Waraabe oo khayrba laga malaysan karaa ma jiro eh. Waftiga xukuumaddu muxuu nagu qancin karaa ma in Faysal waxay u wataan wanaag yahay? Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk taa dameero loo sheeg. Anigu sidii AHN Bayte waxoodiiba caawa ka hor kamaan shaacin timirna laf baa ku jirta arinkanna mid aan liqi karayo maaha”
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews