berberatoday.com
Xukuumadda Oo Ka Hadashay Cabashooyin Laga Muujiyey Hoos U Dhaca Ku Yimid Qiimaha Iibka Xoolaha
September 5, 2016 - Written by Berbera Today

xoolaha sayladfaHargeysa(Berberatoday.com)-Hoos u dhac aad balaadhan oo laga dareemayo Sicirka iibka xoolaha nool oo ah Laf-dhabarta dhaqaalaha Dalka, wakhti maalmo koobani ka hadhsan yihiin Ciidal Odxa.

Sanadihii ugu danbeeyey waxa hoos u dhac wayni ku yimid Guud ahaan suuqa kala  iibsiga xoolaha Nool oo ay ka mid yihiin Adhiga,  lo’da iyo Geela, waxaana dadka xoolo dhaqatada ah cabasho ka muujiyeen hoos u dhaca  sicirka lagaga iibsanayo xoolahooda iyaga oo sheegay in qiimaha neefka adhiga laga siisto wakhtigan aanu baahidooda.

Mid ka mida ah  dilaalinta xoolaha ee ku kala iibiya Sayladda Xoolaha ee Hargeysa oo ka hadlaya Qiimaha hadda lagu iibsado xoolaha ayaa yidhi, “Horta labadii sanadood ee danbe iibka xooluhu wuu jabnaa. Xoolaha dadka lagama iibsado oo waa la jabiyaa dadka xoolaha wata. Gelinka danbe markay saacadu gaadho labada galabnimo ayaa la yidhaahaa waa la idinka iibsayaa hadda waa markay Dadka xoolaha wataa jac-dadaan,  si shirkadaha xoolaha iibsadaa  qiimo jaban ugu helaan”

Nidaamka cusub ee Shirkaduhu ku doonayaan in Qiimaha Xooluhu hoos ugu dhaco ee ah inay gelinka dambe ee Maalintii iibka xoolaha bilaabaan, ayaa xoolo Dhaqatadu cabasho xoog leh ka muujisay, waxayna sheegeen in Shirkaduhu doonayaan in qiimaha ay doonaan ka siisaan Xoolahooda.

Xoolo dhaqatadu waxay Xukuumadda ugu baaqeen inay wax ka qabato Shirkadaha Kootada ku haysta Iibka iyo Dhoofka Xoolaha ee qiimaha Xoolaha siday doonaan ka dhigta.

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Cabdirashiid Riyo-raac oo Saxaafaddu waydiisay waxa Xukuumaddu kala socoto hoos u dhaca qiimaha Xoolaha Nooli ka marayaan Dalka, ayaa ku jawaabay, “Xukuumad ahaan waanu la soconaa hoos u dhaca iibka xoolaha waxaana qiimaha neefka Adhiga marayaa $ 50 iyo wixii ka hooseeya, sababtuna waa suuqyada Sucuudiga oo uu ka fadhiyo iibka iyo dalabka shirkadaha qaadan jiray xoolaheena” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isagoo ka jawaabaya sababta Xukuumaddu wax uga qaban la’dahay Shirkadaha Qiimaha Xoolaha Maamulaya, “Nidaamka ganacsi ee Dalkeenu waa xor. Xukuumad ahaan dadka ganacsatada ah kuma khasbi karno qiimaha ay ku iibsanayaan Xoolahooda oo hadday dadka xoolaha leh ee soo iib geeyey yidhaahdan boqol doolar ayaan ku iibinyaa neefkayga iyo hadday shirkadaha iibsada xoolaha yidhaadan qiimo hoose ayaanu ku doonaynaa ma kantaroli karno.”

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews