Wasaaradda Duulista Somaliland Oo Kulan Layeelatay Madaxda Shirkada FLY DUBAI + SAWIRRO
September 5, 2016 - Written by Berbera Today
Dubai(Berberatoday.com)-Wafti uu hogaaminayo Wasiiru Dawlaha Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka JSL Mudane Axmed Nuur Faahiye oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Cumar Sayid C/lahi Aadan oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Dubai ayaa kulan rasmiya la yeesha madaxda Shirkada FLY DUBAI oo uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Shirkaas MR Sudhiir Serederen ( Senior Vice president- ) Kuna wehilinayeen kulanka Madaxa Madaarada u qaabilksan Shirkada MR Lukasz Skorupa, iyo Wakiilka Shirkada FlY Dubai ee Wadanka Somaliland Cumar Siciid Ducaale.
Kulankaas oo ku qabsoomay Xarunta shirkada fly Dubai ayaa labada dhinac kaga wada hadleen xidhiidhka ka dhaxeeya shirkada iyo Wasaarada Duulista Hawada sidii loo sii xoojin lahaaa.