Fadeexadii Qarniga”Wasiir Kamida Wasiirada Xukumada Madaxweyne Siilanyo Oo Hutel Berbera Kuyaala Ku Sarkhaamay Bastooladna Ku Weeraray Shaqaalihii Hutelka Iyo Dad Kaloo Ka Cuntaynaayay Oo Haweenay Aanu Qabin Hutelka Xoog Kula Galay
September 5, 2016 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaarada Biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac oo maalmihii udanbeeyay Berbera Ku Sugnaa ayaa caawa fal anshaxa iyo Masuuliyada ka baxsan ku kacay, waxaanu wasiirku isaga oo Sarkhaansan oo khamri cabsan uu Hutelka uu Magaalada ka daganaa oo ahaa Maansoor lagalay haweenay aanu qabin oo uu ka sinaysaanaayay isaga oo ciidamadii ilaalada ka ahaa Hutelka iyo shaqaalihii Hutelkaba Bastoolada ula baxay oo ku dhex eryaday Hutelka Gudihiisa kadib markii ay isku dayeen inay ka soosaaraan haweenayda uu sida sharcidarada ah Hutelka ula galay Wasiirku sidoo kale waxa uu si khasab ah uxidhay albaabka qolkii uu mka daganaa Hutelka waxaanay Maamulkii Hutelku islamarkiiba dacwad ka dhan ah wasiirka dhaqan xumada ku kacay ugudbiyeen Gudoomiyaha Gobolka Saaxil iyo Taliyaha Qeybta Booliska oo goobta yimi iyaga oo ciidamo badan wata,