berberatoday.com
Xildhibaanada Dawlada Hoose Ee Boorama Oo Mushaharka Kordhistay Shaqaale Hoosaadkana Gunadii Ka Dhimay + Dareenka Ku Xeeran Iyo Fadeexada Ka Dhalatay
September 6, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Masuuliyiinta Dawlada Hoose ee Boorama ayaa subaxnimadii saaka kulan ka mid ah kuwa caadiga ah ee ay shaqaalaha la yeeshaan ku war galiyay Hawlwadeenada Dawlada Hoose isbedel ay ku sameeyeenxildhibanada borama
dhinaca gunooyinka shaqaalaha ay qaataan iyo waliba mushahar kordhin loo sameeyay xildhibaanada golaha degaanka ee Boorama. Mid ka mid ah hawlwadeenada Dawlada Hoose oo shabakada Karinnews u waramay kana gaabsaday in magaciisa la xuso ayaa yidhi”Waxa ay Masuuliyiintu nagu wargalisay go’aan ka soo baxay dhinaca xildhibaanada, kaasi oo ku saabsanaa wax ka badal dhinaca mushaharooyinka iyo gunooyinka ah, waxana ay sheegeen arintan lagu go’aamiyay kulan ay yeesheen xildhibaanadu bishii tagtay ee August, sidaa aawadeed ay isla qaateenin dhamaan gunooyinka ay qaataan shaqaalaha joogtada ah ee D/Hoose la dhimay 60% lana siin doono waxa ka dambeeya bishan 40% sidoo kalena dhamaan la taliyayaasha D/Hoose gunooyinkii ay qaadan jireen la dhimay 90% taas micnaheeduna uu yahay in ay qaadan doonaan 10%, ugu dambayntiina mushaharka xildhibaanada lagu kordhiyay 1 milyan oo kale”
Waxa aan arintan u arkaa mid cadaalad daro ah, sababta oo ah gunnooyinka ay shaqaalaha joogtada ahi qaataan waa la dhimay, sababta oo ah mushaharka laga bixiyo D/Hoose ma aha mid kafaynaya shaqaalaha qofka ah, waxana ay tani sababaysaa in shaqaalahii ay niyad jabaan iyaga oo waliba arkaya in Xildhibaanadii aanan shaqada badan qabanayn in mushaharkoodii la kordhiyay” ayuu yidhi hawl-wadeenkan ka gaabsaday in magaciisa la xuso
Si kastaba ha ahaatee shaqalaaha aan joogtada ahayn ee la taliyayaasha ah ee ka hawl gala D/Hoose ayaa waxa ay u badan yihiin masuuliyiin xilal kala duduwan hore uga soo qabtay D/Hoose kuwaas oo gunada ay qaataan 3dii biloodba ay ahayd 3 milyan oo shilin, balse ay hada ka dib qaadan doonaan lacag aan ka badnayan 3 boqol oo kun oo shilin oo kaliya. Dhinaca kalena mushaharka Xildhibaanada D/Hoose ee Boorama oo ahaa 4 Milyan bishiiba ayaa mushahar kordhintani waxa ay ka dhigaysaa in xildhibaankiiba u soo xaadiro bil kalsta lacag dhan 5 milyan oo mushahar ah.

Wax ka badalkan ayaa waxa uu dhaqan galayaa bishan September ee socota, ma na jirto wax masuuliyiin ah oo ka tirsan D/Hoose ee Boorama oo faahfaahin ka bixiyay waxa loo sababeeyay mushahar kordhintan ama dhimistan iyo cabashooyinka ay qabaan Shaqaalaha D/Hoose.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews