Daawo, Salaad cali jeele oo noqdey siyaasiga ugu shactirada badan soomaaliya iyo Khudbad jaanta la wadhay oo muqdisho ka jeediyey
September 7, 2016 - Written by berberatoday berberatoday
“Musuqmaasuqu Bani Aadamka ayuu ka bilaabmaa, Tusaalle ahaanna Caddaalad-darrada Waagan {Xilligan} inna soo wajahaysa ee Mustaqbalka innagu soo socota waxaa ka mid ah…”
++++++++
“NGO-yadu dadka laga tirada badan yahay ayaa ay gacan siiyaan [laakiin] Horta Ogaada sideedaba Mashruuc hadduu yimaado laguma kala laandheeraysana. Haddiise aad Gaalada u tagto waxa ku leedahay Qof Qaxoonti Is Qoraya oo ABGAAL baan ahay Odhanayaa ma jiro, [Aniguna] Haddii Aan Maanta Baxo oo Aan Idhaahdo Qaxoonti Baan [Qurbaha Ka] Rabaa, ma Jiro Cid I Siinaysaa, WAayo…”
+++++++++
“Sidaan Anigu Isu Haysto Waxaan Ahay Laandheeraha Koowaad Ee Jufada Aan Ka Dhashay, Haddana Oday Aanu Meel Geysanno [Oo aanu dawladda ku darsanaa ma jiro’e] wixii la soo go’aamiyo uun baanu qaadanayaa, Markaa dee Annagaa Dhibanne ahe Waxaa la rabaa in aad sidaas ogaataan”
“Tuugannimada dalka Ka Jirta waxaa u Aabo Ah Madaxweynaha Hadda Jooga Oo Habeenkii la doorannayay Ayaa Lacag $5 Milyan Oo Baroobo Ahayd ayaa Faarax Cabdiqaadir Ka Soo Qaaday QADAR oo la bixinayay, Shantaas Milyan Baa Loogu Coddeeyey”
Si Fiican U Daawo: Hoggaamiyeha Xisbiga Midnimada iyo Dimuqraadiyada Ee Muqdisho Salaad Cali Jeelle Oo Khudbad Ka Qoslisay Martidii Dhegeysanayay Ka Jeediyey Muqdisho+Qoddobo Musuqmaasuq iyo Cadaallad darro u badan ku Eedeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud
Hoggaamiyeha Xisbiga Midnimada iyo Dimuqraadiyada Ee Muqdisho Salaad Cali Jeelle