Gudoomiyaha Banka Somaliland Oo Dhegaha Ka Fureystay Yeedhmada Dacwad Shaqaale Oo Maxkamada Sare Utaala
September 7, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Gudoomiyaha Banka Somaliland Cabdillahi Xaaji Jaamac ayaa la sheegay in Maxkamada sare ee Somaliland ay tiraba laba jeer ujrtay samn uyeedhis kadib markii la sheegay inuu tacdi dhinac shaqada ah ku sameeyay shaqaale kamid ahaa shaqaalaha Banka Somaliland kuwaas oo intooda badan shaqada lagaga eryay sife aan sharciga waafaqsanayn oo baalmarsan.
shaqaalaha dacawada gudbiyay ayaa kudoodaya inuu gudoomiyaha banku aanu si cadaalada waafaqsan ugu xaqsoorin shaqaalaha banka Somaliland islamarkaana uu qaab qabiil ula kala macaamilo oo uu dalacsiiyo kuwa beeshiisa kasoo jeeda kuwa kale shaqadaba ka eryo hadiiba danbi lagu soo oogo ha jiro ama yaanu jirin.