Siyaasi Cabdiqaadir Obsiiye Oo Mar Kale Soo jeediyay In Dastuurka Somaliland La Furo
September 8, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Cabdiqaadir Obsiiye oo ka mid ah Siyaasiyiinta Reer Somaliland oo shalay Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa Soo jeediyay in la ansixiyo xeerka la yaala golaha wakiilada Oo ogolaanaya in musharaxiin Madax bannaan u tartami karaan Kursiga Madaxweynaha Somaliland.
Siyaasigu waxa uu tilmaamay Muhiimadda uu xeerkaasi u leeyahay Shacabka reer Somaliland iyo muwaadin kasta oo danayna inuu wax ka qabto horumarka qaranimada Somaliland.