War Deg Deg Ah”Masuul Katirsan Xisbiga Waddani Oo Iscasilay
September 9, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiye ku xigeenkii garabka dhalinyarada heer qaran ee Xisbiga Wadani Marwo Saynab Axmed Cali ayaa waxaa ay si rasmi ah u shaacisay in iska casishay xilkii ay ka haysay Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani.
Marwo Saynab faah faahin wax faah faahin ah kamay bixin sababa ay isku casishey hasa yeeshee waxaa ay qoraal kooban oo ay soo gaadhsiiyey shabakada Ilaysnews.com ku sheegtay inay Xubinimadii xisbigana ka baxday.
Qoraalka uddoomiye ku xigeenkii garabka dhalinyarada heer qaran ee Xisbiga Wadani Marwo Saynab Axmed Cali ayaa u qornaa sidan
“ Waxa maanta oo ay bishu tahay 9 bishii 9 2016 aaan gabi ahaanba iska casilayaa xilkii aan garabka dhalinyarda heeer qaran we xusbiga Waddani u ahaya isla markana xubinimadii xisbigana” ayey tidhi marwo Saynab
Si kastaba ha ahaate is casilaada gudoomiye ku xigeenkii garabka dhalinyarada xisbiga Waddnai Mawo Saynab ayaa waxaa ay ku beegantey xilli gudoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Ciro oo isla maanta gudoomiyaha garabka dhalinyarada u magacaabey Maxamed Sadiiq oo isagu hore u ahaa afhayeenka garabka dhalinyarada xisbiga Waddani .