Daawo Muuqalka”Sheekh Aadan-Siiro Oo Ku Taliyey In Laga Faa’ideysto Khayrka Ku Jira Maalmaha U Dambeeya Bishan Dil-Xijj
September 10, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee Maanta kaga hadlay Ahmiyadda Maalmaha Tobanka ah ee u dambeeyay Bisha Dil-Xijja.
Sheekhu wuxuu sheegay in Rasuulkeenna Muxamed (CSW) inoo sheegay in aanay jirin Camal la qabto Maalmahan oo ILAAHAY agtiisa ka khayr badan isla-markaana Alle uu uga Kalgacayl badan yahay, sidaa daraadeed loo baahan yahay in Dadka Muslimiinta ahi ka faa’ideystaan oo ku dedaalaan Acmaasha wanaagsan iyo Tikriga.
“Waxaan ka hadlayaa Maalmaha aynu ku jirno ee ah Tobanka Maalmood ee ugu dambeeya (Bisha Dil-Xaj). Maalmahan oo ah Maalmaha ay Gaaladu la dagaalanto maxay ka yeeli jireen Dadkii wanaagsanaa. Rasuulku (CSW) wuxuu Xadiiska ay Weriyeen a’imadii waaweynayd wuxuu ku yidhi, ‘Ma jiraan Wax ILAAHAY uga Kalgaceyl badan yahay Camalka wanaagsan ee la qabto Maalmahan’, Maalmahaasina waa kuwa aynu ku jirno ee Bisha Dil-xija ah oo aynu Daba-yaaqadoodii ku jirno. Rasuulku wuxuu yidhi ‘Camalka la qabto Maalmahani xitaa way ka khayr badan yihiin Jihaadka, marka laga reebo Qofka Jihaadka ku bixiyey Naftiisa iyo Maalkiisa ee aan ka soo noqonin (ee ku Shahiida). Markaa Rasuulku wuxuu yidhi, Maalmahan badiya inaad ilaahay waynaysaan (Allaahu Akbar..Allaahu Akbar, Tasbiixda iyo Mahad-naqa Alle (SW)…”ayuu yidhi, Sheekh Aadan-Siiro, waxaanu intaa ku daray, “ILAAHAYNA wuxuu Qur’aanka ku yidhi, waxa Maalmaha loo keenay in (Addoomuhu) xusaan Magaca ILAAHAY. Ibnu Cabbaasna wuxuu yidhi Tobankaa Maalmood ee la sheegayaa waa Tobanka Maalmood ee u dambeeya Bisha Dil-xija oo aynu ku jirno.”