Wasiir Sacad Cali Oo Addis Ababa Kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Itoobiya Iyo Arintii Saamiga Itoobiya Ee Dekeda Berbera Oo Laga Wada Hadlay
September 11, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Md. Sacad Cali Shire, ayaa markii u horaysay tan iyo markii sannadkii hore xilka loo magacaabay, wuxuu Jimcihii kulan la yeeshay dhiggiisa arrimaha dibadda ee Itoobiya Mr. Tedros Adhenom.
Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay waxay kaga hadashay kulankaas, waxaanay qoraalkeeda ku tidhi, “Wasiirka Wasaarada Arrimaha Debada Somaliland Dr Sacad Ali Shire oo lakulmay dhigiisa Dalka Itoobiya Mr. Tedros Adhenom, oo ku qaabiley xarunta Wasaarada Arrimaha debada Dalka Itoobiya ayaa ku salaysnaa sii xoojinta iskaashiga iyo wada shaqaynta labada dal gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha iyo wax barashada.