berberatoday.com
Munaasibad Loo Qabtay Meherka Gabadh Aragga Naafo Ka Ah Oo Uu Calmaday Wiil Laxaadkiisu Dhan Yahay Oo Ka Dhacday Burco Iyo Masuuliyiin Kasoo Qeyb Galay
September 11, 2016 - Written by Berbera Today

Dawladda Hoose Oo Dhul Ugu Yaboohday Iyo Muwaadiniin Lacag Caddaan Ah Ugu Deeqay

 

Burco(Berberatoday.com)-Waxa Magaalada Burco lagu qabtay Xaflad ballaadhan, taasi oo la isugu Meheriyey Gabadh uu Alle (SW) Araggii Indhaheeda ka qaaday iyo Wiil laxaadkiisu dhamaystiran yahay, waxaana Munaasibaddaas oo lagu Dhiiri-gelinayey Guurka Dadka Naafada ah ka qayb-galay Maamulka Gobolka Togdheer, Xildhibaanno, Waxgaradka Burco iyo Masuuliyiin ka socday Dawladda dhexe.

Warka labaad (6)Munaasibadda la iskugu Meheriyey Gabadha Aragga Naafada ka ah iyo Wiilka Calmaday, ayaa Masuuliyiinta ka qayb-galay waxay soo jeediyeen in dadka Naafada ahi u baahan yihiin in la dhiiri-geliyo isla-markaana wax walba lala garab istaago, halka Masuuliyiinta qaarkoodna ugu yabooheen dhaqaale.

Xildhibaan Mubaarik-bidhi oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Deegaanka Burco oo ugu horeyn halkaa ka hadlay, ayaa isaguna yidhi, “Qoyskaasi waa qoys barakaysan, sidaa daraadeed Dawladda Hoose ee Burco waa ka diyaar dhulkii ay Gurigooda ka dhisan lahaayeen xilli kasta oo ay u baahdaan.”

Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon oo ah Madaxa Barnaamijka KAALMEE KUWAN oo is-tusa Dadka Ladan iyo kuwa baahan, oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa yidhi, “Waxaanu kaga qayb-qaadanay (Arooska Gabadha Aragga Naafada ka ah iyo Wiilka) Lacag dhan 1,300 doolar.”

Munaasibadda Meherka lamaanahan is-calmaday, ayaa waxa kale oo ka hadlay Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim Qabo, waxaanu ku taliyey, “Waxaynu Lacag ku bixinaa wax badan oo aan Faa’iido (muuqata) inoo lahayn, ee aynu Qorshe u samaynno sidii dhallinyaradeenna Aragga Naafada ka ah iyo kuwa dhegaha la’ aynu ku dhiiri-gelinno weeyaan (Oo aynu isku guurino).”ayuu yidhi.

Munaasibadda Meherka Badra Maxamuud Nuux oo Aragga Naafo ka ah oo uu Calmaday Saleebaan Siciid Jaamac oo Laxaadkiisu dhamaystiran yahay, ayaa ka duwanayd Munaasbadaha kale ee la iskugu meheriyo Lamaanayaasha Laxaadkoodu dhan yahay, sababtoo ah waxa lagu dhiir-gelinayey inay Is-guursadaan Dadka Naafada ah iyo kuwa aan naafada ahayni.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews