Maxamed Biixi Yoonis Oo Maal Maha Soo Socda Ku Soo Fool Leh Hargaysa Iyo Hadhaagii Isbahaysiga Oo Waddani Ku Biiraya
September 12, 2016 - Written by berberatoday berberatoday
Maxamed Biixi Yoonis Oo Maal Maha Soo Socda Ku Soo Fool Leh Hargaysa Iyo Hadhaagii Isbahaysiga Oo Waddani Ku Biiraya
Xogaha Shabakada Berberatoday.com helayso ayaa sheegaya in dhawaan uu magaalada hargaysa imanayo Wasiirkii hore ee arimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis.
Waxa la sheegayaa in xisbiga Waddani diyaarinayo munaasibad ay ku soo dhawaynayaan garabka isbahaysiga xubnaha ka soo hadhay oo ay hormuud ka yihiin Xirsi iyo Maxamed Biixi Yoonis
Munaasibada soo dhawaynta garabkani ku biirayaan Xisbiga Waddani ayaa lagu sheegay in ay dhacayso ka hor intaan la gadhin 20 bishan aynu ku guda jirno sidoo kale waxa la sheegayaa in labada dhinac isku afgarteen wada-hadaladii ay ku jireen
Arintan ayaa ku soo beegmayaa xili isbahaysiga ay ka baxeen siyaasiyiin hormuud ahaa kooxdan balse hadhaagooda ayaa wakhtigan ku biiraya Xisbiga Waddani