berberatoday.com
Wariye Lagu Dhaawacay Hargeysa Hanjabaadii Wasiir Maxamuud Xaashi ee la dagaalanka warbaahinta oo dhabwday iyo xisbiga Kulmiye……..
September 12, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

khadarguraytedhaawac

Hargeysa,(Berberatoday.com)-Waxaa caawa fiidkii weerar abaabulan lagu soo qaaday weriye ka tirsan waaxda warfaafinta ee Xisbiga WADDANI. Waxaa weriyahan oo la yidhaahdo Khadar Cabdi Xasan weerar ku soo qaaday afar dhalinyaro ah oo ku hubaysan Budad iyo waxyaalo kale.

Dhalinyaradan hubaysan ayaa ku tiraabayay markii ay weriyaha soo weerareen erayo ay ka mid ahaayeen “ninka dila waa yarka Muuse Biixi iyo Xisbiga Kulmiye iyoxukumadda looga taag la’yahaye”.

Weerarka ayaa waxaa weriyaha lala beegsaday goor uu marayay caawa fiidkii wadada ka dambaysa Dhakhtarka wayn ee Hargaysa, waxaana dhaawac jabitaan ahi ka soo gaadhay gacanta midigta, sidoo kalena waxaa khasaare la gaadhsiiyay Gaadhigii uu watay. Dhalinyaradan ayaa ku baxsaday Gaadhi nooca Noah loo yaqaano oo ay wateen.

Dhacdadan foosha xun ayaa daba-socotay hanjabaado ay xukuumada Siilaanyo iyo Xisbigeeda Kulmiye hawada u marinayeen saxaafada madaxa bannaan iyadoo Wasiirka Madaxtooyaduna si cad u sheegay inay dagaal ku qaadi doonaan Saxaafada madaxa bannaan oo uu ku tilmaamay “Budhcad Badeed”. Waxaase ficilkan silloon ee weriye Khadar Cabdi Xasan lagula kacay ku cad cidda Budhcadnimada ku sifoowday.

Dhacdadani maaha tii ugu horaysay ee Xukuumada iyo Xisbul Xaakimkeedu ku bartilmaameedsadaan Saxaafada xorta ah. Waxaanay dhacdadani ka mid tahay tacadiyada tirada beelay ee ay sida joogtada ah u caadaysteen inay kula kacaan weriyayaasha u adeegaya guud ahaan Bulsho waynta reer Somaliland. Tacadiyada ay Xukuumada Siilaanyo iyo Xisbiga Kulmiye ee uu hormoodka ka yahay Muuse Biixi ay Saxaafada kula kacaan ayaa gaadhay ilaa Qaramada Midoobay oo dhawaan ka faalooday dhibta Xukuumada Siilaanyo iyo Kulmiye ku hayaan Saxaafada Madaxa-bannaan ee ka xorta ah laaluushka iyo guulwadaynta.

Ficiladan silloon ee ay Wasiirka Madaxtooyada iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye doonayaan inay ku cabudhiyaan Saxaafada xorta ah ayaan noqon doonin mid ay Saxaafadu kaga waabtaan fulinta adeega ay u hayaan Bulshada reer Somaliland, waxaanay si gabasho la’aan ah u sii wadayaan soo bandhigista xoggaha sugan ee muhiimada wayn ugu fadhiya Bulsho waynta reer Somaliland, waxaanay noqon doontaa mid ay aakhirka dambarsan doonaan.

Xasan  Saalax
Hargeysa
Somaliland

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews