Madaxweynaha Suudaan Oo Ka Baaqday Shirka IGAD Ee Muqdisho Ka Furmay Iyo Sababta Keentay ?
September 13, 2016 - Written by berberatoday berberatoday
Muqdisho(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Suudaan Cumar Xassan Al-Bashiir ayaa baajiyey booqasho uu ku tegi lahaa caasimada Soomaaliya, sida ay warbaahinta maxaliga ahi ka soo xigatay xafiiskiisa.

Sarkaal ka tirsan madaxtooyada Suudaan ayaa u sheegay warbaahinta in Madaxweynuhu go’aansaday inuu joojiyo booqashadaas sababa la xidhiidha amaankiisa gaarka ah.
“Waxa la yaab nagu noqotay markii naloo sheegay in aanay Soomaaliya maamulin hawadeeda oo duulimaadyada laga hago dal kale” Ayuu yidhi sarkaalkaasi.