Wariyihii Saraakiisha Alshabaab Ee La Soo Qabto Wareysiyada Ka Qaadi Jiray Oo La Dhaawacay
September 14, 2016 - Written by Berbera Today
Moqdisho(Berberatoday.com)-Wariye C/casiis Maxamuud Guuleed Afrika oo ka mid ah Wariyeyaasha ka howl gala Warbaahinta dowladda ayaa ku dhaawacmay iska hor imaad galabta dhex maray Ciidamo ka tirsan Booliska iyo Nabadsugida.
Dhaawaca Wariye Afrika ayaa lagu daweynayaa Isbitaalka Digfeer ee ay gacanta ku heyso dowladda Turkiga, waxaana la sheegayaa in xaaladiisa wanaagsan tahay waxaana warar ay helayaan WQarbaahinta Madaxa banaani ay sheegayaan in uu dhawucu ka soo gaadhey lugta .
Saxafigan caawa dhaawacmey ayaa waxa uu inta badan wareysi ka qaadi jiray saraakiisha Al Shabaab ee ay dawladu gacanta ku soo dhigto isla markaana baadhistuu ku socoto