berberatoday.com
(Qeybti 2) Xisbiga Waddani Ma Ka Ridan Kara Xukunka Dalka Xisbi Xaakimka Kulmiye?Eng. Bashe Cabdi Gaboobe
September 15, 2016 - Written by Berbera Today

Waxaan qeybti hore qoralkan ku sheegey in dad badan aaminsanyihiin in taageerada xisbiga Kulmiye ku yimid hoos uu dhac weyn marka loo eego waqtigi doorashada madaxtooyada 2010 taaso sabab uu ah iney ka baxeen dad badan oo hormood ka aha oloolahi doorashada madaxtooyada ee 26 June 2010 iyo dhaliilo badan oo ku yimid fulinta barnaamjka ballanqaadki madaxweyne Silaanyo (eeg qeybti hore qoralkan). Waxa kalo aynu ognahey in xukuumadda Silaanyo ku bilaabantey labaatan wasiir iyo lix wasiir ku xigeen isago madaxweynuhu fulinaaya qodob barnaamijka ka mid ah oo odhanaya in la dhiso dawlad koban oo tayo leh. Haddaba hadaynu qodbka dib u jaleecno halku maanta marayo waxa inno soo baxaaya in tirada wasiiradu kor u dhaaftey dhawr iyo konton, tiradaas oo aad uu bara dhaaftey tirada wasiirada madaxweynihi hore Rayaale oo madaxweyne Silaanyo marku mucaaridka aha qodobka aad ugu dhaliili jirey. Waxa kaga hadhey labaatanki wasiir ee hore dhawr wasiir. Marka laga eego xagga dhaqaalaha na culeyskeeda leh oo mushahaarka iyo kharashka ku baxaya wasaaradahan magac uu yaalka ah waxa lagu qabyo tiri laha baahiyaha badan ee wadanka ka buuxa.
Xisbiga Kulmiye wuxu waayo arag ku yahey oloolaha doorashada waayo wuxu ka qeyb galey doorashooyinka Somaliland ka dhacey oo dhan, waxaanu mar walba ka gelaayey dooroshooyinka safka hore. Matalan doorashadi ugu horeysey ee golaha degaanka ee todobada urur ku tartameen, 25 December 2002 wuxu galey kaalinta labaad.
Doorashadi madaxtooyada 14 April 2003 wuxu heley 205,505 cod halka Udub heley 205,905, Ucidna 77,433. Doorashadi xildhibaanada ee 28 September 2005. Kulmiye wuxu heley 228,328 (28 Xildhibaan ). Halka Udub heley 261,449 (33 Xildhibaan ). Ucidna wuxu heley 180,545 (21 Xildhibaan ). Doorashadi 26 June 2010 wuxu Kulmiye heley 266,906. Halka UDUB heley 178,881. UCID na wuxu heley 92,459. Doorashadi golaha degaanka ee 2012 waxey aheyd doorooshadi abid ugu xumeyd ee Somaliland ka dhacda, waxana xisbiga Kulmiye galey kaalinta koobaad inkasto ururada mucaaridku ku eedeyeen innu adeegsadey hantidi iyo awooddi qaranka, kaalinta labaadna waxa galey Waddani iyo UCID oo kaalinta seddexaad ah.
La soco qeybaha kale,

 

 


Eng. Bashe C. Gaboobe

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews