berberatoday.com
War saxaafadeed’’ Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee Secja Oo Canbaareeyay Xadhiga Laba Wariye Oo Uxidhan Safiirka Dawlada Xamar Ufadhiya Dalka Sucuudiga
September 15, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SECJA waxaa uu isha ku hayaa tacdi kasta oo loo gaysto Guud ahaanba Suxufiyiinta Somaliland meel kasta oo ay joogaan waxaanu mar walba gaashaanka u daruurayaa cid kasta oo damacda inay cabudhiso Xoriyada hadalka iyo waajibaadka shaqo ee Suxufiyiintu ay gudanayaan. Sidaas awgeed wararka naga soo gaadhaya dalka sucudiga waxa maalintii afraad xidhan laba weriye oo lagu kala Magacaabo una Mustafe yuusuf cabaade iyo c/risaaq isaaq ducaale una dhashay Somaliland isla markaana ka hawlgalijiray TV ga qaranka Somaliland. Wariyaashaasi waxay wax ka duubeen xujaaj Reer Somaliland ah oo ka cabnayay shirkadaha duulimaadyada ee daalo iyo Juba oo xujaajtii Somaliland ay ku edeeyeen in xujaajtu aanay helin adeegii kula balan sanaayeeen labadashirkadood ee duulimaadyadu ,isla markaan waxqa arintaasi ka xanaaqay shirkadaha Duulimaadyada kuwaasi oo u adeegsaday safiirka Somaliya u fadhiya Sucuudiga, dhacadani ayaa waxaan ka hadal Masuuliyiinta Somaliland ee ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo waliba Wasiirka Diinta iyo awqaafta oo hada ku sugan Sucuudiga Maadaama ay labadan weriye ka mid ahaayeen warbaahina dawlada Somaliland. Ururka Secja waxa uu la yaabanyahay sida aanay dawlada Somaliland uga hadal xadhiga weriyayaashan,iyadoo maalmihii ugu danbeeyay hanjabaad hawada u marinayay saxafada Somaliland. Sidaas awgeed Waxa uu ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SECJA Canbaaraynayaa Xadhiga uu weriyayaashaas kula kacay Safiirka Dawlada Somaliya u fadhiya Sucuudiga,waxaanu ku baaqayaa in xoriyadoodii dib loogu soo celiyo,isla markaana ay sida ugu dhakhsaha badan uga hawl gasho xukuumada Somaliland.

 

 

 

Gudoomiye Kuxigeenka Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SECJA

Axmed Muuse Maxamed(Sakaaro)

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews