Madhabaa In Gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro Codsi Madaxtooyada Uga Yimi Awgii Xilkii Uu Uga Qaaday Gudoomiyihii Xisbiga Waddani Ee Gobolka Saaxil Cali Axmed Kooshin Oo Xil Kalena Loo Magacaabo”Fallo Berberatoday.com Staff
September 16, 2016 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Wiigan horaantiisii ayay aheyd markii la shaaciyay in Gudoomiyihii Xisbiga waddani ee Gobolka Saaxil Cali Axmed Kooshin xilkii Gudoomiyenimo laga qaaday loona magacaabay Kuxigeenka xogahayah Guud ee Xisbiga Waddani iyada oo aan ilaa hada la sheegin masuulka xilka Gobolka Saaxil ee Xisbiga Waddani qaban doona.
ilaa markii xil ka qaadista ama xilka bedelka Gudoomiye Cali axmed kooshin la shaaciyay ayaa waxa aad laysu weydiinaayay goobaha bulshadu ku kulanto ee magaalada Berbera sababta keentay in Cali axmed kooshin xilka laga bedelo xiligan iyada oo lagu jiro xili xasaasiya oo siyaasadii dalku qasantahay sidoo kale gudoomiye Cali Axmed kooshin yahay masuul aad loogu kalsoonyahay shaqada uu xisbiga uhayo sidoo kalena uu kamid yahay xubnaha lagu majeerto xisbiyahanimada Gobolka Saaxil isaga oo kamid ahaa ragii asaasay ee dhidibada utaagay Xisbiga kulmiye ee kusoo dhabar jabay balse xisbigaas iska casilay markii uu arkay qalooca siyaasadeed ee uu dalka ku hogaaminayo, kuna biiray xisbiga Waddani oo uu xiligaas u arkaayay mid mucaarad ah oo dalka iyo dadkaba hanan kara markii uu xisbiga waddani bilawgii raad dhaqaajiskiisa uu ku bilaabay dardar mucaaradeed ee dhiiran, halkan xiligan maanta ah la sixi layahay xisbigii Waddani Mucaarad iyo muxaafid kuu yahay.