Maraykanka Oo Maanta Madaxweyne Silanyo U Soo Diraya Weftigii Ugu Cuslaa Oo Ka Dalbanaya Inuu Ka Noqdo Go’aankiisa Uu Dib Ugu Dhigayo Doorashada Wakiilada
September 18, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladda Maraykanka ayaa Madaxweyne Siilaanyo u soo dirtay wefti culus oo diblomaasiyiin ah oo culays ku saara inuu ka noqdo go’aanka uu ku kala qaadayo labada doorasho islamarkaana uu dib ugu dhigayo doorashada golaha wakiilada. Weftigan ayaa ah weftigii ugu cuslaa ee dawladda Maraykanka ka socda ee muddooyinkan dambe socdaal ku yimaada caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
Weftigan, oo maanta dalka imanaya ayaa waxa ay kulan la yeelan doonaan Madaxweyne Siilaanyo iyo wasiirkiisa arrimaha dibadda Sacad Cali Shire, waxaanay u gudbin doonaan mawqifka dawladda Maraykanka ee go’aanka uu Madaxweynaha Somalialnd ku kala qaaday labada doorasho, waxaanay Madaxweyne Siilaanyo ka dalban doonaan inuu ka noqdo go’aankaas si aanu dhaawac ugu iman kalsoonida iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa beesha caalamka iyo Jamhuuriyadda Somaliland.