Ururka Suxifiyiinta Somaliland Ee SECJA Oo Cambaareeyay Xadhiga Wariye Axmed Muuse Maxamed(Sakaaro)Iyo Laba Wariye Oo Kale Ku Xidhan Dalka Sucuudiga
Hargeysa(Berberatoday.com)-Warsaxaafadeed Ay Soo Saareen saaka Ururka suxifiyiinta Somaliland e SECJA Xafiiskooda Berbera Ayaay Ku cambaareeyeen xadhiga Lagula kacay Gudoomiye Ku Xigeenkii Ururka Suxifiyiinta Somaliland e SECJa Axmed Muuse Maxamed, Ahna Gudoomiyaha Joornalka Codka shacabka e hargaysa Kasoo baxa,
Qoraalkana o ku saxeeexan yahay Gudoomiyaha Ururkasi SECJa Yaasiin Jaamac Cali Ayaa waxuu u Qornaa Sidan,
Waxaanu cambaaraynaynaa Cidkasta o ka danbaysay xadhiga Suxifi axmed Muuse Maxamed Ahan Gudoomiye Ku Ku Xigeenka Ururka suxifiyiinta Somaliland e SECJA,
Xadhiga Lagula kacay suxigan Axmed Muuse Maxamed Wa Mid sharci daro ah ,Loomana marin Sifo Sharci ah,iyo Xeerka Saxaafada Somaliland e Madaxwaynihii Hore Somaliland Ansaxiyay
, Waxaanu Xukuumada Somaliland Ugu Baaqaynaa In ay xadhiga iyo Caga Juglaynta ay ka Dayso saxaafada Guud e Somaliland , Xeerka saxaafadana Adeegsato o hadii wariyuhu danbi Galay Sifaha Sharcigu u Ogolyahay ay raacdo, Waarana Usoo Jarto,
Waxaanan Xukuumada Somaliland ka Codsanaynaa in wariyahaa Xaoriyadiisa Dib Loogusoo Celiyo hadii danbi lagu haystana Hay,adaha Sharciga u Leh Dacwad ay ka Furato Xukuumadu o dacwadeeda furato,
,Sidoo kalena Ururka suxifiyiinta Somailand e SECJA Waxay cambaareenayaan xadhiga Lagula Kacay Labo wariye o ka hawlgala TV qaranka Somaliland xafiiskooda Jidah e da;lka sacuudi carabiya, Mustafe Yuusuf cabaade iyo Cabdirisaaq Isaaq ducaale Kuwaas o u xadgooda Ka danbeeyay safiirka dawlada xamar u fadhiya Sacuudiga,
Waxan Ugu baaqaynaa in wariyaasha a Loosoo Celiyo xoriyadooda dawlada xamarna faraha kama baxdo wariyayaasha Reer Somaliland e ka hawlgala Sacuudiga,
Illaa Iminkana Lama garanayo sababta u Ku Ashkateeyay safiirka xamar wariyayashaa reer Somaliland e ka hawlagala magaalada Jidah, Inkastoo wararka qaarkood ay Sheegayaan in dadkii Xujaajta ahaa e Reer Somaliland Mar ay warbaahinta Lahadleen ay Ka cawdeen Adeega ay Bixiyaan Labadii Shirkadood e dadkii Ugu Badnaa u Qaday xashka ,Waa Dalo iyo Juba, Markaa Xadhigani in ay ka danbeeyeen Masuuliyiinta Labadaa Shirkadood Una Adeegsadeen Safiirka dawlada xamar u fadhiya sacuudiga,
Xukuumada Somaliland Masuul ayaa ka saaran Muwaadiniinteeda Khaasatan wasaaradii ay ka hawlgalayeen e warfaafinta Markaa waa In ay ka hawlgalan siidaynta Labada Wariye,
Allaa Mahadleh
Gudoomiyaha Ururka suxifiyiinta Somaliland Ee SECJA
Yaasiin Jaamac Cali
Hargaysa/Somaliland