Radio Shabeelle: Weriyihii 14-aad Oo Lagaga Dilay Soomaaliya
September 28, 2016 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Kooxo ku hubeysan bastoollado, ayaa maqribnimadii Shalay Magaalada Muqdisho ku dilay wariye ka tirsanaa idaacadda Shabeelle ee magaalada Muqdisho.
Wariyaha la dilay oo Magaciisa la odhan jiray Cabdicasiis Maxamed Cali Xaaji ayaa kamid ahaa wariyaasha Idaacadda Shabeele, waxaana dilkiisa ka dambeeyay rag bastoolado ku hubeysan.
Dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in wariyaha lagu dilay agagaarka Jiiro Garoob oo ka tirsan degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.Lama oga sababta dilka wariyaha ka dambeysa, balse kooxaha dilka geystay ayaa ka baxday goobta falka uu ka dhacay.