berberatoday.com
Xukunkii maxkmadda sare Faysal Cali Waraabe uu jabiyay waa in sharcga la hor keenaa
October 3, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Xukunkan ay gaadhay Maxkamadda Sare JSL wuxu labada dhinac ku waajibinayaa in si wada jir ah ay u fuliyaan Xukunka Maxkamadda, sidoo kale wuxu farayaa labada dhinacba in,iyada oo la raacayo Xeerka Xisbiga la qabto Shirwayne Aan Caadi ahayn oo la hor geeyo Heshiiskii hore loo wada galay si uu u Ansixiyo dhamaan qodobadii Heshiiska sida ku cad Xukunka Maxkamadda iyo Waliba go,aankii Guddida Diiwaangalinta ee Maxkamadu ayiday.

Sidaas awgeed, Haddii Maxkamadda sare aanay bilaabin fulinta xukunkii UCID, waxa halkaasi ka soo socda in khilaafku isku badeli doona kacdoon abuuri kara nabadgelyo daro, kaas oo foolxumo weyn ku noqon doona Qaranka Somaliland, Maxkamadda sare, iyo Dimuqraadiyadda Somaliland. Faysal Cali Waraabe wuxuu durbadiiba ka soo horjeestay xukunkii maxkamadda sare ee Dacwada xisbigga UCID , siduu ku sheegay wareysigiisii u danbeeyey ee KALSAN TV (Xalay). Halkii ay maxkamaddu xukuntay in xisbigga UCID laba garab lagu soo saaray ee la yidhi heshiiska ha lagu ansixiyo, ayaa uu si qaawan oo badheedh ah u sheegay in aanu ayidsaneyn oo isagu siduu doono uu yeelli doono. Faysal Cali Waraabe oo runtii laba jeer u tartamay Madaxweynanimo, labada jeerna ku guul daraystay doorashooyinkii oo halkii ugu hooseysay ka galay (les than 20%); ayaa ay shicibka iyo Garsoorkii Somaliland uu ku daawanayaa in uu Xisbi qaran oo la wada leeyahay oo heshiiskii uu ku soo baxay la xukumay in uu weli siduu doono u hadlo wuxuu doonana samayn karo, taasina ay dhaawac ku tahay Sharciga, Nidaamka iyo Kala danbaynta Dawladnimo.

Maahmaah soomaliyeed ayaa tidhaa “Cagtii Joogsan Waydaa Marbay Ceeb La Kulantaa” Waxay ila tahay Maalin dhow Faysal wuxuu halis ku yahay naftiisa iyo Xisbigga UCID. Wuxuu si badheedh ah oo qaawan ugu caytamayaa TVga. Adduunka waxaa yaab noqotay in uu Faysal wax uu ku caayo Jamaal intuu waayo; inuu yidhaahdo Qaad buu cunaa isagoo ka been abuuraaya. Runtii Faysal balwado ka xun-xun iyo godobo siyaasadeed oo weligii boog ku ah ayaa ku suntan taariikhdiisa. Hadaba waxa muuqata in Faysal si badheedh ah uga hor yimid Dhaqangelinta xukunka Maxkmada Sare ee JSL, Loona baahan yahay in Faysal laga badbaadiyo Ucid mar haduu jabiyay Xukunkii, lagana qaado talaabo sharciga waafaqsan.

Ilaahay Sida Xaqa ah Hayna Waafajiyo.

W/Q: Mohamed Gacayte

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews