Dagaal Sababay Khasare Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo
October 7, 2016 - Written by Berbera Today
Gaalkacayo(Berberatoday.com)-Dagaal culus ayaa waaberigii hore ee maanta ka qarxay meel ku dhaw Kontroolka Galbeed ee Magaaladda Galkacayo, kadib markii maleeshiyaad ka tirsan Galmudug ay weerar ku soo qaadeen goob laga dhisayay maxjarka cafimaadka xoolaha ee Gaalkacayo.
Ugu yaraan 7 qof ayaa ku geeriyootay dagaalkaas, tiro intaa ka badan oo dhaawac ah ayaa la geeyay cusbitaalka Galkacayo sida ay Horseed media u sheegeen dad xog ogaal ah oo ku sugan magaaladda Galkacayo.