Marxuum Ibraahim Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Oo Hargeysa Si Heer Qaran Ah Loogu Aasay
October 8, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Abaara 10kii subaxnimo ee saaka ayaa xabaalaha Naasa Hablood ee Hargeysa ayaa lagu aasay Wiilkii uu dhalay Marxuum Madaxweynihii Hore ee Somaliland Marxuum Ibraahim Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo xalay fiidkii Hargeysa ku Geeriyooday kadib xanuun kusoo booday oo mudo kooban oo laba todobaad ah uu ujiifay.
Aaska Marxuumka ayaa waxa kasoo qeyb galay Salaadiin, Cuqaal, Waxgarad, aqoonyahan, Ganacsato Iyo Masuuliyiin ka kala socday asxaabta Siyaasada iyo Xukumada Somaliland kuwaas oo ay kamid yihiin Wasiiro Wasiiro Kuxigeeno iyo Agaasimayaal guud iyo waliba shacab weyne kale oo aad utira Badan kuwaas oo kasoo kala jeeday Gobolada dalka waxaanay dhamaan dadkii aaskaas kasoo qeyb galay ay ilaahay Marxuumka ugu baryeen inuu janooyinkiisa Naciimka ah ugu Deeqo samir iyo Iimaana kasiiyo Guud ahaan Shacabka Somaliland ee uu ka Baxay Gaar ahaan qoyska Reer Cigaal ee uu katirsanaa Marxuum Ibraahim Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.