PAKISTAN : Xeer Raga Ciqaab Adag u Noqonaya oo Baarlamaanku Ansixiyay
   October 9, 2016 - Written by Berbera Today
       
       
   
    
Hargeysa(Berberatoday.com)-Baarlamaanka dalka Pakistan ayaa ansixiyay xeer cusub oo  noqon doono mid ciqaab  ku ah ragga ku kaca falalka aadka u foosha xun leh ee haweenka dalkaasi lagu la kaco ee Kufsiga .
Boqolaal ka mida haweenka  u dhashay dalkaasi Pakistan ayaa sanad walba u dhinta dhibaatooyin ka soo gaadha Kufsiga lagula kaco ,waxa aanu xeerkani ku ciqaab uga  dhigayaa dadka ku kaca falkan in lagu xukumi  xadhig inta nooloshiisa ka hadhay oo dhan .
Xeerka ayaa sidoo kale faraya garsoorayaasha ka hawl gala maxkamadaha dalkaasi in aanay wax naxariis ah u muujin danbiilayaasha la hor keeno iyaga oo galay falal la xidhiidha Kufsiga balse ay waajiyaaan xeerkan cusub ,isla markaana aanay ogolaan cafiska ay waalidiinta ay ka soo  jeedaan haweenka lagu la kacay falalka Kufsiga .