Qeybtii Uhoreysay Ee Shaqaalaha Shirkada DP World Ee Maamulka Dekeda La Wareegaayay Oo Dekeda Berbera Yimi Iyo Kulamo Ay La Qaateen Maamulka Iyo Madaxda Waaxyaha Dekeda
October 9, 2016 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-qeybtii uhireysay ee shaqaalaha farsamada ee Shirkada DP World ee Dekeda Berbera Laga kireeyay ayaa soo gaadhay magaalada Berbera Kuwaas oo ay hogaaminayaan khabiiro dhinaca maamulka iyo Maareynta ah kuwaas oo indha indhayn ku samayanaya habka Maamulka Dekeda Berbera, waxa kaloo iyaguna wehelinaaya oo shaqaalaha khabiirada ubadan shaqaale iyaguna qaabilsan dhinaca Farsamada qalabka Dekeda iyo rarka iyo rogida oo ku shaqayn doona Qalabka loo yaqaano badhadaha ee badeecadaha roga rarana.
Shaqaalaha oo tiradoodu dhamayd inta ay indhahaygu qabteen 30 shaqaale ah ayaa kusoo dagay Hutelka Maansoor ee Berbera halkaas oo aanu maanta ku aragnay iyaga oo ka cuntaynaya sida naloo sheegayna dagan hutelkaas. waxaana ilaalo xoogan ka hayay shaqaalaha Ciidan iyo gaadiid kooban oo katirsan ciidamada RRU-da oo laga soo raaciyay dhinaca Hargeysa oo ay maalmihii lasoo dhaafay ay kasoo dageen.