Xisbiga Waddani Oo Soo Dhaweyntii Ugu Balaadhneyd U Sameynaa Siyaasiyiinta Isbaheysiga Kulmiye Oo Ku Soo Biiray+Daawo Sawirada
October 10, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa waxaa uu xafladii ugu balaadhneyd ee soo dhaweyn ah u sameynayaa siyaasiyiintii isbaheysiga Kulmiye oo xisbigaasi si rasmi ah ugu soo biiray .
Xafladan soo dhaweynta ah ayaa waxaa ay hada ka socota Hoolka ugu weyn ee Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa kaas oo ay soo buux dhaafiyeen tageerasha xisbiga Waddani iyo tageerayaal ay wataan siyaasiyiiinta Isbaheysigu .
Munaasibadan oo ah mid aad u balaadhan ayaa waxaa ka soo qeyb galay hogaanka xisbiga Waddani oo uu hogaaminaayo gudoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Ciro , Xoghayha xisbigaasi iyo gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbigaasi .
Sidoo kale waxaa iyaguna munaasibada goob joog ka ah madax dhaqameedki ugu badnaa ee Somaliland kuwaas oo badankoodu ka yimid bariga magaalada Burco , haween , dhalinyaro ,culimo aw diin , ganacsato iyo mawjado taageerayaal ah
Fiiro Gaar :- Dhawaan Filo Muuqaalada iyo wararkan oo faahfaasan