War deg-deg ah: Wariye Axmed Muuse Sakaaro 48 Saacadood Cuntada ka Soomaana, kaddib Markii uu 16 Maalmood Cadaalad darro ugu Xidhnaa Wasiiradda Madaxtooyadda Maxamud Xaashi Iyo Hawlaha Guud Cali Mareexan..
Waxana laga dayrinayaa xaalad uu ku sugan yahay wariyuhu, maadaama oo lagu kari waayey inuu noloshiisa caadiga ah jeelka ku dhex qaato, waxana la sheegay inuu hadda wixii ka danbeeya noloshiisu khatar geli karto hadii uu sidaa kusii adkaysto.
Ma jiro danbi cad oo wariyuhuu galay, hase yeeshee waxa la sheegay in wasiiradda aan soo sheegnayn Wariyaha ku sanduleynayaan inuu qalinkiisa ugu guulwadeyo, isla marlaana aanu qorin warar dhexdhexaad ah ama xoggaha dhaliisha ah ee Xukuumadda kaga yimaada shacabka Magaalo madaxda gobolka Togdheer.
La soco wixii kasoo kordha…