berberatoday.com
Ciyaar Aad U Xiiso Badan Oo Caawa Dhex Mareysa Kooxaha Xifiltanku Ka Dhexeeyo Ee Liverpool Iyo Man United
October 17, 2016 - Written by Berbera Today

London(Berberatoday.com)-Manchester United ayaa u safri doonta caawa kooxda Liverpool oo ah kooxda ay sida ugu weyn u xifaaltamaan waxayna labada koox kulanka caawa ku tartami doonaa kooxdii sare mari laheyd iyadoo haatan ay Liverpool 3 dhibcood ka sareyso United.

clop

Liverpool ayaa ku jirta qaab ciyaareed cajiib ah iyadoo adkaatay afartii kulan ee ugu danbeysay ee premier league waana rikoorkooda guulaha ee ugu dheer iyagoo ka hoos ciyaaraya macalin Klopp halka United ay xili horeba labo guuldaro la kulantay.

Laakin qaab ciyaareedkii ugu danbeeyay ee United kaga hortagto Liverpool ayaa isna soo jeedin kale wata iyadoo United ay 6 dhibcood horyaalka kaga qaadatay xili ciyaareedkii hore inkastoo ay Reds iyana Europe league kaga aar gudatay.

Kulanka: Liverpool Vs Manchester United

Garoonka: Anfield

Saacada Geeska Afrika: 10:00 Fiidnimo

Wararka Labada Koox:

Liverpool xidigeeda Adam Lallana ayaa wali shaki laga muujinayaa kadib markii uu seegay  kulamadii caalamiga ahaa ee ay England soo ciyaartay markuu dhaawac anqowga ah ka soo gaaray kulankii Swansea.

Saaxiibkiis Georginio Wijnaldum ayaa dhaawac kaga soo laabtay waajibaadka xulkiisa Holland laakin si lamid ah Lallana wali lama xaqiijin taam ahaanshihiisa iyo inuu seegi doono kulankabada, daafacyada Nathaniel Clyne iyo Dejan Lovren ayaa labadaba diyaar ah.

Dhanka Manchester United, Mourinho ayaa xaqiijiyay in Luke Shaw iyo Henrikh Mkhitaryan ay labadaba taam u yihiin kulankaan kadib markii ay seegeen kulamadii ugu danbeeyay ee kooxdooda iyadoo  Shaw uu seegay afar Mkhitaryan sidelined since the Manchester derby on September 10.tii kulan ee ugu danbeysay ee kooxdiisa halka Micktryan uusan kooxdiis au ciyaarin ilaa kulankii Manchester Derby.

Daafac Phil Jones (jilib) ayaa la hubaa inuu seegi doono kulankaan halka kabtan Wayne Rooney la filayo inuu keydka ku soo bilowdo markale.

Xaqiiqooyinka Kulanka

Liverpool ayaa guuldarooyinkooda ugu badna ee Premier League kala kulmay kooxda  (27) sidoo kale kulamada league waxay guuldarooyinkooda ugu badan kala kulmeen isla United (67) waana kooxda guuldarooyinka ugu badan u geysatay taariikhdooda.

Liverpool aya guuldareystay dhamaan afartii kulan ee Premier League ee ugu danbeeyay ee ay la kulmaan United, waana rikoorkooda xiriirka ah ee ugu xun ee ay kala kulmaan Red Devils tan iyo sanadii  2008 (Shan guuldaro oo xiriir ah).

Isku dhacaan ayaa keenay 16 casaan kaliya kulamadooda Premier League; kaliya Everton v Liverpool (21) ayaana ka casaan badan.

Klopp ayaa guuldareystay kaliya mid kamid ah shan kulan uu ka horyimid Mourinho (Guulo 3 Barbaro 1), guuladaradaas ayaana timid 2013 markii ay Borussia Dortmund 2-0 ugu hor kuftay Real Madrid lugtii labaad ee afar dhamaadka Champions League.

Tan iyo markii Klopp loo magacaabay macalinka Liverpool bishii October 2015, waxay dhaliyeen goolal ka badan koox kasto oo kale oo Premier League (73) sidoo kalena waxay heystan rikoorka kubad heysiga ugu badan (58.8 boqolkiiba).

Hadaba, aqristoow ayaad caawa guusha u saadaalineysaa ?

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews