berberatoday.com
Qaramada Midoobay Oo Shaaciyey Malaayiin Doollar Kooxda Daacish Ka Heshay Dalal Ay Soomaaliya ka Mid Tahay.
October 20, 2016 - Written by Berbera Today
New York(Berberatoday.com)-Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay, Ban Ki-moon, ayaa shaaca ka qaaday in kooxda ISIS/Daacish lacago gaadhaya $30 milyan oo doollar ka heshay, kadib markii ay sako ahaan uga qaadeen dadka ku kala nool dalalka Soomaaliya, Syria, Ciraaq iyo Liibiya bishan gudaheeda.

Mr. Bank Ki-moon oo khudbad ka jeediyey shir xubnaha Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay ku yeesheen xaruntooda magaalada New York ee dalka Maraykanka maalintii Sabtida, waxa uu ku xusay in UN-ku si dhow ula socdo dhaqdhaqaaq kasta xoogagga ISIS/Daacish sameeyaan, gaar ahaan lacagaha ay sako ahaan uga qaadeen dadweynaha ku dhaqan afartaas dal intii lagu gudo jiray bishan Muxarram ee sannadka hijriyada oo ay maalmo kala horreeyaan bishan October ee miilaadiga.
Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay waxa uu bogaadiyey dagaalka lagula jira waxa uu ugu yeedhay ururrada argagixisada ee Daacish ka mid tahay, “Waa muhiim ah in la soo afjaro koox sidan oo kale oo dunidu ka degi la’dahay inay dhaqaale-abuur ka samaysanayso dadka.
Meelaha inta badan dagaalyahannada Daacish lacagaha ka helaan waxa ka mid ah goobaha ganacsiga sida shirkadaha korontada, kuwa biyaha, cashuuraha gaadiidka gelaya iyo kuwa ka baxaya degaannada ay maamulaan iyo waliba dakhli uga soo xerooda hantida ma-guurtada ah,” ayuu yidhi Ban Ki-moon.
Waxa uu intaa ku daray in lacagaha ay qaadanayaan ugu gol-leeyihiin inay ku qortaan dagaalyahanno cusub oo dhallinyaro ah.
Qarammada Midoobay ayaa dhawaan sheegtay in kooxda Daacish laga dilay xubno muhiim u ahaa hawlgalladooda intii u dhexaysay horraantii 2015 ilaa sannadkan dabayaaqada ku dhow ee 2016, balse waxay caddeeyeen inay weli taagan tahay cabsi weyn oo kooxdaasi ku hayaan ammaanka guud ee caalamka oo dhan.
Ugu dambeyn, Bank Ki-moon waxa uu dalalka adduunka ugu baaqay in ay meel ugu soo wada jeestaan la-dagaallanka kooxda Daacish iyo ururrada gacan-saarka la leh ee dagaallada ka wada waddamada Syria, Ciraaq, Soomaaliya iyo Libiya.
Berberatoday.com
COMMENTS
|